Dowladda Federaalka oo sheegtay in la dilay 303 nin oo Shabaab ah

Dowladda Federaalka ayaa maanta sheegtay in hawlgalo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed lagu dilay in ka badan 300 oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo uu garab taagnaa Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa faah faahiyay hawlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in 303 nin oo Shabaab ah lagu dilay hawlgalo ay 7-dii maalmood ee la soo dhaafay ciidamadu ka sameeyeen deegaano ka tirsan saddexdaasi maamul.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada oo kaashanaya dadka deegaanka ay hawlgaladaasi kula wareegeen deegaano ay horey uga arriminayeen maleeshiyadaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in 100 ka mida maleeshiyadaasi lagu dilay duleedka Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ka dib weerarkii ay Jimcihii ku qaadeen xerada ciidamada ku leeyihiin degmadaasi.

70 kale ayuu sheegay in lagu dilay duleedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Hawlgalkaas ayuuna sheegay in uu ka dhacay deegaanka Beer Faarax (Bacadka Faarax Aadan), halkaas oo ay isu uruursanayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Sida uu Wasiirku sheegay in ka badan 20 xubnood oo Shabaab ah ayaa lagu dilay deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Isla Hirshabelle hawlgalo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ayuu Wasiirku sheegay in lagu dilay 70 kale oo Shabaab ah. Hawlgaladaasi ayaana laga sameeyay nawaaxiga deegaanka Xawaadley, gaar ahaan Beerta Sheekh Qaasim.

Daa’uud Aweys ayaa sheegaya in hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika lagu dilay 23 Shabaab ah, ka dib markii ay hawlgalkaasi ka fuliyeen deegaanka Janow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Hawlgal kale oo ciidamadu ay ka sameeyeen deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay ayuu sheegay in lagu dilay 20 xubnood, oo ay ku jiraan laba horjooge. Mid ka mida ayuu sheegay in uu Shabaabka u qaabilsanaa Arrimaha Sirdoonka ee Gobolada Koonfurta & Bartamaha, halka kan kalena uu ku sheegay Madaxii Hawlgelinta ee Gobolada Baay iyo Bakool.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com