Raysal Wasaaraha Israel oo safar lama filaan ah ku tegay Jordan

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa safar lama filaan ah ku tegay dalka Jordan, tani oo noqoneyso safarkiisii ugu horreyay ee uu dibadda ugu safro, tan iyo intii dib xafiiska loogu dhaariyay, bishii hore.

Raysal Wasaaraha ayaa Talaadadii Caasimadda Amman kula kulmay Boqorka Jordan, Boqor Abdullah II.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda Boqortooyada Jordan ayaa lagu sheegay in Israel ay ixtiraamto xeerka Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa ee ku yaala magaalada qadiimiga ah ee Qudus.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii dhawan Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir oo ka tirsan xisbiga midigta fog ee Israa’iliyiinta uu booqday Masjidkaasi, isaga oo wata ilaalo xoogan, waxayna taasi ka careysiiyay Falastiniyiinta iyo Hoggaanka Carabta qaarkood.

Israel ayaa dhankeeda bayaan ku sheegtay in kulanka naadirka ah ee labada dhinac looga hadlay arrimaha gobolka, iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha.

Safarka Netanyahu ee Jordan ayaa u muuqday mid ay Tel Aviv ku qaboojineyso xiisadda diblomaasiyadeed ee ka taagan Masjidka Al-Aqsa ee bariga Qudus.

Jordan ayaa toddobaadkii hore u yeertay Safiirka Israel, Eitan Surkis, ka dib markii Safiirkeeda Ghassan Majali laga hor istaagay inuu galo Masjidka, 17-kii bishan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com