Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo daahfuray Mashruuca Barwaaqo (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray Mashruuca Barwaaqo, oo ay ku kaceyso malaayiin dollar, kaasi oo ay fulineyso Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, oo kaashaneysa Baanka Adduunka.

Masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta ayaa uga warbixiyay Raysal Wasaaraha qaabka looga faa’iideystay wejigii hore, oo la oran jiray Biyooley iyo barnaamijyada u qorsheysan shanta sano ee soo socota, iyadoo wejigan ay ku jirto daryeelka deegaanka.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in wejiga hore si wanaagsan looga faa’iideeyay shacabka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku ammaanay masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta.

Mashruuca Barwaaqo oo socon doona muddo sanooyin ah ayaa waxa uu xoogga saaraya horumarinta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybaha ku dhaqan miyiga, beeraleyda, xoolaha iyo deegaanka.

Raysal Wasaare Barre ayaa mashruucan ku tilmaamay fursad aan uga faaiideyn karno dadkeena iyo xoolaheena, si aanay biyo la’aan ugu dhicin, maadaama buu yiri la galay xilli Jiilaal ah oo adag, oo ay tahay in loo diyaargaroobo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com