Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay duleedka Degmada Ceeldheer

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu shalay galab ka dhacay duleedka Degmada Ceeldheer ee gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ayaa weeraray deegaanka baraagta Sheekh Cabdullaahi ee duleedka degmadaasi, halkaas oo la sheegay inay isu uruursanayeen maleeshiyadii Al Shabaab ee toddobaadkii hore laga saaray degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay iska caabin xoogan kala kulmeen maleeshiyadaasi, isla-markaana ay dagaalka isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare dhinacyadaasi ka soo gaaray dagaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay markii dambe u suurtagashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi, waana hawlgal looga hortagayay in Shabaabku dib u soo weeraraan degmadaasi.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay xubno uu ka mid yahay horjooge ay magaciisa ku sheegeen Cabdifitaax Xasan Gaafow, kaas oo ay sheegeen inuu dhibaateen jiray dadka deegaanka.

Daa’uud Abuukar Gacmey oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamada ee hawlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay hub ka furteen maleeshiyada Shabaabka, meydadna ay ka hayaan.

Daa’uud Abuukar ayaa dadka deegaanka ugu baaqay in ay maleeshiyadaasi la dagaalamaan, haddii aysan la dagaalami karina ay ka fogaadaan meelaha ay joogaan, si aanay waxyeelo kaga soo gaarin.

Sidoo kale dadka deegaanka ee la marin-habaabiyay ayuu ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan, haddii kalena ay gacanta ciidamadu gaari doonto.

“Niman dadkan iyo deegaanka ka dhashay ee dhibaateeya ayaa jira, baaqaas baaq ka dambeeyo ma jiri doono, hadda ka horna waan idinku baaqay, haddana waan idinkugu soo celinayaa, godkaa gashaan baana idinkaga haraynin, meeshaad gashaana waa la idinkaga daba gelayaa.” Ayuu yiri Daa’uud Abuukar oo intaasi ku daray “Waxaan idin leeyahay imaada oo ummaddiina ka cafis dalba, waajibka aad leedihiin ayaa la idin marinayaa, haddii aad diidiin halka xabadda ayaa la idin marinayaa, haddii aad isa soo dhiibtaana sharcigaa la idin waafajinaa, oo ma la idin taabanayo.”

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa deegaanada Galmudug ka wada hawlgalo la sheegay in lagu soo afjarayo joogitaankii Shabaab ee Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com