Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo kormeeray jiidda hore (SAWIRRO)

Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeeray furimaha hore, ee ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland kaga sugan yihiin deegaanka Janaay Cabdalle, oo 60km dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa 21-kii bishan bilaa dagaal kula wareegay deegaankaasi, oo muddooyinkii ugu dambeysay ka arriminayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa u kuurgelayay xaaladda ciidamada, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ay deegaankaasi gaarsiisay dawooyin iyo xoolo nool, oo lagu taageerayo hawlgalada dib-u-xoreynta deegaanka.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Saraakiisha Ciidanka ku wareejiyay deeqda Wasaaradda Caafimaadka ay halkaasi geysay.

Cabdulqaadir Lugadheere iyo wafdigiisa oo la kulmay dadka deegaanka ayaa ka wareystay xaaladooda iyo xaaladda deegaanka, intii ay ciidamadu la wareegeen, mana jirin wax dhibaato ah oo dhanka ciidamadu ay ka sheegteen.

Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Danab ee Jubbaland, Carab Dheeg Axmed ayaa sheegay in gulufka ka bilowday Jubbaland aanu istaagi doonin, inta Shabaabku ku sugan yihiin geed ka mid ah buu yiri geedaha ay ku hoos jiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in ay isku furayaan waddada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, oo muddo dheer ay ku sugnaayeen mintidiinta Al Shabaab.

Dhaqdhaqaaqyada ka socda Jubbaland ayaa waxaa xoogooda laga dareemaya xeryaha ciidamada ee ku yaala duleedyada Kismaayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com