Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa habeenkii Arbacada hawlgal gaar ah oo ka dhacay Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari waxa ay ku dileen xubno uu ka mid ahaa Bilaal al-Sudani, kaas oo Mareykanka uu ku sheegay hoggaamiye sare oo Ururka Daacish ka tirsan.
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay, marka laga soo taggo in ninkaasi uu ahaa Hoggaamiyihii Daacishta Somaliya uu haddana muhiim u ahaa hawlgalada Daacish ee adduunka oo dhan.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa warsaxaafadeed ku sheegay “Al-Sudani waxa uu masuul ka ahaa kobcinta joogitaanka ISIS ee sii kordhaya ee Afrika iyo maalgelinta hawlgalada kooxda ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Afghanistan.”
Korneyl Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in dilka Bilaal al-Sudani ay saamayn badan ku yeelan doonto Daacishta uu saldhigeedu yahay Puntland.
Waxa uu sheegay in Daacishta Somaliya iyo isku xirta midda Bariga Dhexe uu udub dhexaad u yahay dhaqaale, dhaqaalihiina uu al-Sudani ahaa ninka uu soo mari jiray, isla-markaana kala gudbiya.
“Daacishta Somaliya, sida aan ognahay waxay degan yihiin Buuraha Calmiskaad ee Bari, oo istiraatiiji u ah isku xirka Gacan Cadmeed, Afghanistan iyo Afrika, halka ay ka soo galaan waa halkaa, saldhigyo ayayna ku leeyihiin. Saldhig toos ah oo ay degan yihiin oo haddeer aanu garanayno Buuraha Calmiskaad baa jira, oo ku yaala Gobolka Waqooyi Bari ee Somaliya.” Ayuu yiri Korneyl Cabdiwaaxid Maxamuud oo BBC la hadlay.
Korneylka ayaa yiri “Hawlgalada ay Daacish kaga jirto Somaliya iyo isku xirka iyada iyo Daacishta Bariga Dhexe dhaqaalaa udub dhig u ah, dhaqaalihiina waa ninka uu soo marayay, oo dhaqaalaha kala gudbinayay. Waxa ku imaanaysa wiiqitaan iyo kala dhac badan, waana guul u soo hooyatay ummadda Soomaaliyeed, argagixiso intaa nin le’eg laga dilay, xitaa soo kabashadeeda muddo ayay qaadaneysaa.”
La taliyaha Amniga Qaranka ee Dowladda Somaliya, Xuseen Sheekh Cali ayaa soo dhaweeyay in la bartilmaameedsado hoggaanka kooxaha argagixisada, intii dhallinyarada la marin-habaabiyay ay noqon lahaayeen kuwa dhimanaya.
“Waa arrin aan aad u soo dhaweynayno in hoggaanka kooxaha argagixisada madaxa laga guro, intii dhallinyarada ay ayagu dabka ku shidayaan ay noqon laheyd dadkii dhimanayay.” Ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali oo VOA la hadlay.
Al-Sudani ayaa hadda ahaa Madaxa Daacishta Somaliya, ka dib markii Hoggaamiyihii Ururka, Cabdulqaadir Muumin Cali uu dhul la yaal noqday.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com