Hawlgalo ballaaran oo ka socda Gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa toddobaadkii saddexaad hawlgalo ka wada Gobolka Mudug, waana hawlgalada qaybta ka ah gulufka la doonayo in lagu wiiqo maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan deegaanada Galmudug.

Ciidamada oo maalmihii ugu dambeysay hawlgalo amni xaqiijin ah ka waday deegaanada ku dhow dhow Degmada Xarardheere ayaa markaan u jeestay, sidii ay ula wareegi deegaanada dhaca koonfurta gobolkaasi.

Abaabul iyo diyaargarow ciidan oo midkaasi barbar-socdo ayay sidoo kale ciidamadu ka wadaan Degmada Wisil, iyada oo lagu kaabi doono ciidamada ka soo socda dhanka Degmada Xarardheere.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu dejiyay istiraatiijiyad ay ciidamada kula wareegayaan deegaanada Qaycad, Hareeri-dheer, Miliqo, Dabagalo, Dumaaye, Qodqod, Caad, Cammaara, Bacaadweyne illaa Shabellow.

Ilo wareedyo sheegaya ciidamada lagu abaabulayo Wisil in ay qayb ka yihiin Xertii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee kala irdhoobay, isla-markaana uu qorshuhu yahay in qaybtood ay gaaraan deegaanada Dumaaye, Dabagalo iyo Qodqod, qaybta kalena ay cagta saari doonaan waddada Cammaara, Bacaadweyne iyo Shabellow. Ciidamadan ayaana muhiim u ah hawlgalada lagu xoreynayo koonfurta gobolkaasi.

Axaddii ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay bilaabeen in ay isaga baxaan deegaanada uu gulufka ciidamada ku wajahan, qaarkood.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku sugan Degmada Xarardheere ayaa Saraakiisha Ciidamada faray in ay dardargeliyaan hawlgalada Shabaabka looga sifeynayo Gobolada Dhexe.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa Universaltv u sheegay in dadka reer Galmudug ay markaan u dhan yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Shabaabka oo guluf ballaaran uu kaga furan yahay deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa lumiyay, inta badan dhulkii ay deegaanada maamuladaasi ka haysteen.