Taliyeyaasha Ciidamada Militariga ee dalalkan ayuu xilligan shir uga socdaa Magaalada Muqdisho, iyadoona ay saxaafadda dibadjoog ka tahay.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa shirkan la leh Taliyeyaasha Militariga ee dalalka safka hore ee ciidamadu ka joogaan Somaliya.
Taliyeyaasha ayaa shirka uga hadlaya qorshaha amniga ee gobolka iyo sidii loo taageeri lahaa dagaalka ay Dowladda Federaalka ku dooneyso in lagu wiiqo maleeshiyada Al Shabaab.
Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in dalalka safka hore oo Somaliya horkaceyso ay isku afgarteen in meel looga soo wada jeesto Shabaab, maadaama amniga uu saameynayo dalalka gobolka oo dhan, sida uu yiri.
Shirkan ayaa waxaa xigi doono shir kale oo gelinka damba ee maanta magaalada uga furmaya Wasiirada Gaashaandhigga ee dalalkaasi.
Nagala soo xirir dhacdo@gmail.com