Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax khasaare gaystay oo maanta ka dhacay afaafka hore ee deegaanka Ceelaayo ee Gobolka Sanaag. Deegaanka ayaa qiyaastii 30km dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay gaari ay la socdeen saddex qof, isla-markaana uu qaraxu ahaa mid si weyn looga maqlay deegaan xeebaadkaasi.
Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka mid kalena uu dhaawac culus ka soo gaaray, dhaawaca ninkaasi ayaana loo qaaday Magaalada Boosaaso.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa ay dadkaasi ahaayeen. Wararka qaar ayaa sheegaya inay ahaayeen dadka dahabka ka qota deegaanka Milxo ee Gobolka Sanaag, halka warar kalena ay sheegayaan in ay ka mid ahaayeen dadka deegaanka ee muddooyinkii ugu dambeysay bilaabay in ay maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamaan Buuraha Calmadow ee gobolkaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxaasi uu burburiyay gaarigii uu haleelay, oo noociisu ay ku sheegeen Probox. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaariga uu ka yimid dhanka Magaalada Boosaaso.
Mid ka mida dadka qaraxaasi ku dhintay oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Cali Xiirey ayaa 11-kii bishii September ee sanadkii hore ka badbaaday qarax sidaan oo kale lagu la eegtay deegaanka dahab qodista caanka ku ah ee Milxo.
Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa sheegtay in qaraxaasi ay gaysteen maleeshiyadooda, ka dib markii ay la wareegeen sida ay tebisay gacan ku haynta deegaanka Durduri.
Durduri ayaa ku yaala inta u dhaxeyso deegaanka Ceelaayo iyo Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com