Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Baanka Adduunka

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqaka Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Bankiga Adduunka, Qaybta Bariga iyo Koonfurta Afrika, Victoria Kwakwa iyo wafdi ay hoggaamineysay.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay howlaha hortabinta u leh Somaliya, isagoo ku dhiirigeliyay Bankiga Adduunka in mashaariicda hadda socda iyo kuwa soo wajahan ay noqdaan qaar horumarinta, nabadda, maalgelinta, shaqaaleynta iyo addeega bulshada wax ka tari kara, isla-markaana raad muuqda reebi kara.

Madaxda Bankiga Adduunka waxay ballanqaadeen inay sii wadi doonaan xiriirka adag ee mira-dhalka ah ee u dhxeeya Dowladda Somaliya iyo baanka, gaar ahaan qaybaha ay daneynayso Dowladda Federaalka in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka, qaybahaas oo ay ka mid yihiin tacliinta, kalluumeysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyay masuuliyiinta Bankiga Adduunka inay kordhiyaan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya baanka, kuwaas oo fahmi kara baahiyaha horumarineed ee dalka.

Nagaa soo xiriir dhacdo@gmail.com