Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Sagaalaad (the 9th National Development Plan), ka dib markii uu qaabilay wafdi ay hoggaamineysay Victoria Kwakwa, Madaxweyne Kuxigeenka Bankiga Adduunka, Qaybta Bariga iyo Koonfurta Afrika.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka looga dooday mashaariicda horumarineed ee Bankiga Adduunka uu dalka ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahiyada dadka Soomaaliyeed.
“Kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in ummaddu ay leedahay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay “Raysal Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay Dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hannaanka dayn-cafinta ay u jeedsaneysa fulinta mashaariicda waaweyn ee kaabeyaasha dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto Khayraadka badan ee Alle ku maneystay dalka.
Waxaa Raysal Wasaaruhu sheegay in dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP-9), iyadoo ay halkaas ka iman doonto buu yiri, meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bankiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado.
Victoria Kwakwa ayaa dhinaceeda soo dhaweysay dadaalka Dowladda Somaliya ay ugu jirto xaqiijinta dhameystirka hannaanka dayn-cafinta, amniga dalka iyo daryeelka bulshada, waxayna ballanqaaday in Baanka Adduunku sii wado taageerada kala duwan ee ay u fidiso Dowladda Somaliya.”
Qorshaha NDP-9 ayaa sahlaya isku-duwidda iyo la jaanqaadida mashaariicda hay’adaha caalamiga ay ka fulinayaan dalka, iyadoo markaasi lagu saleynayo waxyaabaha mudnaanta u leh Somaliya, ee ay dooneyso in ay noqdaan kuwa ugu horreya ay tahay in wax laga qabto, waana NDP-9 oo ah jaantii uu dalka ku gaari lahaa jidka kobaca dhaqaalaha iyo yareynta faqriga ee sanadaha ina soo aaddan.
Raysal Wasaare Barre ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Golihiisa Wasiirada, waxaana uu kulankan imaanaya, xilli Villa Somalia ay dadaal badani ku bixineyso, sidii nidaamka dowliga looga hirgelin lahaa deegaanada dalka ee laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com