Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa caawa fiidkii lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa Xildhibaanka ku toogtay xaafadda Macalin Nuur ee Degmada Dharkiinley.
Raggan ayaa la sheegay inay Xildhibaanka weerareen, wax yar uun ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid uu Salaaddii Maqrib ku soo tukaday, iyadoo dhinaca kalena ay u suurtagashay inay goobta ka baxsadaan.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaanka, isaga oo dilkiisa ku eedeeyay kooxaha argagixisada.
“Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Jubbaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.
Qoraalka ayaa lagu sheegay “Kooxo ka tirsan Khawaariijta ayaa Xildhibaanka dilay, isagoo ka soo baxay Masaajid uu ku tukaday Salaaddii Maqrib ee caawa.”
Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda dilkiisa ayaa sheegtay in Xildhibaanku uu ahaa Sarkaal CIA-da Mareykanka u qori jiray, waxa ay ku sheegeen basaasiinta ka hawlgasha deegaanada ay dalka maamulaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com