Dagaalka ka socdo Laascaanood oo maalintii saddexaad galay

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada deegaanka ayaa maalintii saddexaad ka socda hareeraha Magaalada Laascaanood.

Dagaalka ayaa saaka dib uga qarxay furimihii uu xalay gabalka ugu dhacay dhinacyada dagaalamaya.

Hugunka madaafiicda iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlaya jiidda bari iyo dhanka koonfureed ee buuraha ku yaala magaaladaasi.

Dadka fara ku tiriska ee magaalada ku haray ayaa sheegaya in ay jiraan madaafiic ku soo dhaceysa xaafadaha magaalada qaarkood.

Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa u muuqato furin dagaal, iyadoo dadkii deganaa magaalada ay isaga barakaceen guryahooda, isla-markaana ay is dulsaar ku noqdeen deegaanada ka baxsan magaaladaasi.

Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Caasimadda Muqdisho ayaa ku baaqay in si degdeg ahi loo joojiyo dagaalka.

“Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo joojiyo rabshadaha, isla-markaana la ilaaliyo rayidka, waana in aan la carqaladeyn gargaarka bani’aadanimo iyo in xiisadda lagu xaliyo si nabdoon oo wada hadal ah.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wakiilada Beesha Caalamka.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqul Insaanka ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhibaatada dadka rayidka ka soo gaartay dagaalkaasi, isla-markaana caddaaladda la horkeeno kuwii ka masuulka ahaa.

Dagaalka maalintii Isniinta ka dhacay Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay in ka badan soddon qof, oo u badan dad rayid ah.

Dagaalka ayaa ka sii socda Laascaanood, xilli ay isa soo tarayaan baaqyada ku aaddan in dagaalkaasi la joojiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com