Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal.
Madaxweynaha oo martiqaad ka helay madaxda dalkaasi ayaa kulamo la qaadan doona dhiggiisa Sergio Mattarella iyo Raysal Wasaare Giorgia Meloni, oo ay ka wada xaajoonayaan kobcinta iskaashiga labada dal, xaaladda gobolka iyo hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Somaliya iyo Talyaaniga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xambaarsan qorshaha qaran ee dabargoynta maleeshiyada Al Shabaab ayaa Madaxda Talyaaniga u soo bandhigaya dhinacyada ay daneynayso Dowladda Somaliya in laga caawiyo, si guul dhameystiran looga gaaro dagaalkan, loona gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda ay naawilayaan.
Labada dal ayaa sidoo kale ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, warshadaha iyo waxbarashada, iyadoo madaxda iyo diblomaasiyiinta ku wehlinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Talyaaniga heshiisyo iyo is afgarad ku qotoma danaha dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com