Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta Magaalada Baydhabo tababar ugu soo xiray ciidan cusub oo ku biiraya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ciidamadan ayaa noqonaya dufcaddii 7aad ee Daraawiishta Koonfur Galbeed oo tababar loogu soo xiro deegaanada maamulkaasi.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidamada laga doonayo inay isku furaan wadooyinka iyo deegaanada ay go’doomiyeen maleeshiyada Al Shabaab.
“Tababarkii la siiyay inay Shabaab u soo bandhigaanaa laga rabaa, Insha’Allah taasina waan ka rajeynaynaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay in la joogo waqtigii dib-u-xoreynta dalka, isla-markaana aanay jirin wax ay reebanayaan, sida uu yiri.
“Inta waxaan tababar ugu xirnay sida aan sheegay 7 dufcadood, 6 dufcadood tanaa 7 ku ah. Dufcaddan muhiimadda ay leedahay, waqtiga ay ku soo hagaagtay iyo shaqada laga rabo, waxaa lagu garanayaa sida aan aniga iyo ayaga isugu egnahay. Kuwii hore ee tababarada loo xiri jiray isuma aynaan ekaan jirin, maanta annaga iyo ayaga tababaraa na loo wada xiray, askaraa nahay, dalka inaan xoreynaa na laga rabaa, difaaca inaan horgalnaa na laga rabaa, kuligeenaba inaan soconaa na laga rabaa, oo dowladnimadii, sharaftii iyo karaamadii Koonfur Galbeed iyo Somaliya inaan soo celinaa na laga rabaa, diyaaraana nahay, waqtigeediina waa la joogaa. Ilaahay ayaa nasiibkooda ka dhigay, wax aan reebaneynana ma leh.” Ayuu yiri Laftagareen.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii Magaalada Kismaayo ka sheegay in wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab uu dhawaan ka bilaabanayo deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com