Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Laascaanood

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ay maanta ku dagaalaayeen duleedka magaaladaasi, ka dib dhowr maalmood oo xaaladda Laascaanood ay deganeyd.

Dagaalka ayaa saakay ka qarxay jiidda waqooyi ee magaalada, halkaas oo saldhig militari ay ku leeyhiin Ciidamada Somaliland.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhinacyadu ay dagaalka isku adeegsadeen madaafiic iyo qoryaha waaweyn ee ku xiran gaadiidka dagaalka.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in la soo weeraray fariisimaha ciidamadeeda ku leeyihiin agagaarka magaaladaasi.

Somaliland ayaa sheegtay in weerarkaasi ay soo qaadeen kooxaha ku sugan Magaalada Laascaanood, oo ay ku sheegtay kuwo isugu jira argagixiso, nabadiid iyo weliba Puntland.

“Kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, nabadiid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaas oo ahaa mid fuleynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaadhay Ciidamada Qaranka.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Xukuumadda Somaliland.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay bishiisii koowaad, iyadoo tan iyo markii uu dagaalku magaalada ka qarxay 6-dii bishii February uu galaaftay nolosha 210 qof, halka 680 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Duqa Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com