Dowladda oo dalka dib ugu soo celineysa muwaadiniinta ku xiran xabsiyada caalamka

Dowladda Federaalka ayaa waddo qorshe dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dunida.

Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa gelinkii dambe ee maanta shir guddoomiyay shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirada ee Tiirka Soomaali Dunida Heshiis La ah, kaas oo looga hadlay ansixinta siyaasadda qaran ee qurbajoogta Soomaaliyeed, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Xiriirka Caalamiga.

“Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan meelo badan oo adduunka ka mid ah, kuna jira xabsiyo kala duwan, kuwaas oo baahi weyn u qaba in loo fududeeyo, sidii ay dalkooda hooyo ugu soo laaban lahaayeen iyagoo nabad ah.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xukuumadda Federaalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay, sidii muwaadiniinteeda ku xiran jeelasha kala duwan ee adduunka ay si nabad ah ugu soo celin lahayd dalkooda hooyo, isagoo intaa ku daray in dowladdu muhiimad gaara siinayso qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka oo kaalin weyn ugu jira Dowladnimada Somaliya.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com