Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar qarax weyn ku bilowday, oo maleeshiyada Al Shabaab ay saakay ka gaysteen xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle, oo hoostagga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in waaberigii hore ay maqleen qarax weyn, uuna xigay dagaal fool ka fool ah oo dhinacyadaasi ku dhex maray afaafka hore ee xeradaasi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay u suurtagashay inay u daataan xeradaasi, inkastoo Saraakiisha Jubbaland ay sheegeen in ciidamadu ay iska caabiyeen maleeshiyadaasi.
Ururka Al Shabaab ayaa qoraal ku sheegay in maleeshiyadooda ay cagta mariyeen xeradaasi, isla-markaana ay ka qaateen illaa 20 gaari oo kuwa ciidamada ah.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkan, oo noqonaya mid ka mida kiisii ugu xooganaa ee Shabaabku ka gaystaan gobolkaasi.
Inta la xaqiijiyay illaa soddon qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalka, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay. Shabaabka ayaase dhankooda sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen 89 askari.
Janaay Cabdalle oo kala qaybisa Kismaayo iyo Afmadow ayaa waxaa ka socday dhaqdhaqaaq ay ciidamadu ugu diyaargaroobayeen wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.
Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo weerarkan kaga hortagayay duulaanka kaga soo wajahan dhanka Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.
Villa Somalia ayaa gadaal ka riixeysa qorshe lagu doonayo in ciidamada ay ku qabtaan dhulka ay Shabaabku ka maamulaan Gobolada Jubbooyinka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com