Shirka Taliyeyaasha Booliska Dalka ayaa maanta ka furmay Magaalada Kismaayo, iyadoona uu socon doono illaa saddex maalmood.
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa furay shirkan, oo ay ka qaybgelayaan Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleedyada iyo Wasiirada Amniga ee Dowlad Goboleedyada.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in shirka looga hadlayo wada shaqaynta heerarka kala duwan ee Booliska Soomaaliyeed, tababarada ciidamada iyo sidii loo mideyn lahaa aqoonta ciidamada amniga.
Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in shirka ay hoggaamineyso Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, isla-markaana ay rajeynayaan in wax wanaagsan ay ka soo baxaan.
Wasiirka ayaa sheegay in ujeedka shirka loo qabtay uu yahay, sidii loo dardargelin lahaa la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo waxa uu ugu yeeray dadka nabadiidka ah.
Shirkan ayaa ku soo aadaya, xilli Jubbaland ay isku diyaarineyso wejiga labaad ee gulufka la doonayo maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro deegaanada ay ka maamulaan Gobolada Jubbooyinka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com