Raysal Wasaare Barre oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Caafimaadka

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta howlo kormeer ah ku tegay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa u kuurgelayay habsami u socodka howlaha ay qaranka ugu igman tahay wasaaradda iyo qorsheyaasha hortebinta u leh, taasi oo ay saldhig u tahay isla xisaabtan iyo in bulshada loogu adeego si hufnaan leh.

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan oo halkaasi Raysal Wasaaraha ku soo dhaweeyay ayaa uga warbixiyay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee loo qaaday xagga horumarinta hannaanka caafimaadka dalka iyo caqabadaha jira.

Raysal Wasaaraha oo ka hadlay ahmiyadda ay Wasaaradda Caafimaadku u leedahay guud ahaan dalka ayaa Wasiirka ku booriyay sii xoojinta shaqada, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo daboola baahidooda.

Raysal Wasaare Barre ayaa dhanka kale sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saareyso horumarinta adeegyada bulshada, dibna loo dhisi doono goobihii muhiimka ahaa, ee ay dadweynaha ka heli jireen adeegyadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com