Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa maanta xilka loo dhaariyay, ka dib markii magacaabistiisa ay ansixiyeen wufuud gaareysa ku dhawaad saddex kun, oo ka kala socda qaybaha dalkaasi.
Ma jirin cid ka hortimid magacaabidiisa, tani oo Xi Jinping ka dhigeysa hoggaamiyihii ugu awoodda badnaa ee jiilkiisa.
Hoggaamiyeyaashii hore ee dalkaasi ayaa shaqada ka fariisan jiray, marka ay dhameysteen laba muddo xileed, balse Madaxweynaha hadda talada haya ayaa sanadkii 2018 wax ka bedelay muddada xilka la hayn karo.
Madaxweynaha ayaa lagu dhaariyay Xarunta The Great Hall of the People ee Magalaada Beijing, isagoona ballanqaaday inuu daacad u noqon doono Dastuurka Shiinaha.
“Waxaan ballanqaadayaa inaan daacad u noqon doono Dastuurka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, oo aan dhowrayo awoodda dastuurka, isla-markaana aan gudan doono waajibaadka i saaran.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Waxa kaloo uu yiri “Waxaan ka shaqayn doonnaa dalweyne shuuci oo casri ah, kaasoo ah mid barwaaqo ah oo adag, dimoqraadi ah, dhaqan ahaana horumarsan, isku duuban, isla-markaana qurxoon.”
Han Zheng ayaa isna loo doortay Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee dalkaasi, halka Zhao Leji uu isna noqonayo Gudoomiyaha Baarlamaanka. Labadan nin ayaana horey ula soo shaqeeyay Madaxweyne Jinping.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com