Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sarreyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Madaxweynaha Galmudug ayaa Magaalada Baydhabo kaga qaybgelaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, ee ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay ku leeyihiin magaaladaasi.

Shirka 5aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in madaxdu ay heshiis kama dambeys ah kaga gaaraan arrimaha doorashooyinka dalka.

Baydhabo ayaa waxaan weli gaarin Madaxweyneyaasha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com