Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirka Madasha Garsooreyaasha, oo muddo laba maalmood ah ka socday Magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ah mid sanadkiiba mar la qabto ayaa lagu soo bandhigay dood cilmiyeedyo la xiriira arrimaha garsoorka iyo daraasaad kabeysa aqoonta garyaqaanadii shirkaasi ka qaybgashay, iyadoona uu ujeedku ahaa in garsoor hufan ay helaan shacabka Soomaaliyeed.
Doodaha lagu fallanqeeyay madashan ayaa waxaa lagu soo qaaday kooxaha ciyaar weerada iyo dhibaatooyinka baahsan, ee ay ku hayaan bulshada reer Muqdisho.
Baashe Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in doodaha lagu soo bandhigay shirkaasi ay muhiim u yihiin fahamka garsooreyaasha.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay ka shaqayn doonaan, sidii ay dalka uga hirgelin lahaayeen talooyinka ka soo baxay shirkaasi.
“Waxyaabaha qaarkood waxay noqon doonaan qaar ku xiran qofka garsoorka ahi shaqadiisa in sida ugu fiican uu u qabsado, qaar waxay noqon doonaan qaar u baahan in maamulku uu wax ka saxo, qaarna waxay noqon doonaan in habraacyo laga soo saaro, si loo mideeyo fahamka iyo aragtida laga qabo shuruucda, qawaaniinta iyo qodobada meeshaan lagaga dooday.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray “Mid walba heerkeeda ayaanu Insha’Allahu kula macaamili doonnaa, oo aynu ku hirgelin doonnaa.”
Gudoomiyaha ayaa garsooreyaasha kula dardaarmay in ay kasbadaan kalsoonida ummadda Soomaaliyeed, taasina ay ku imaan karto, iyagoo hagaajiya hannaankooda shaqo.
Shirkan oo lagu qabtay Hotel Decale ayaa waxaa ka qaybgalay garsooreyaasha darajooyinka kala duwan ee maxkamadaha.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com