Dagaal culus oo maanta ka socdo Magaalada Laascaanood

Dagaalkan oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa maanta ka socdo Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka oo ah mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo ayaa saakay dib uga qarxay jiidda bari iyo dhanka galbeed ee magaaladaasi.

Dadka ku haray magaalada ayaa sheegaya in ay madaafiic ku soo dhacayaan xaafadaha magaaladaasi.

Dagaalkan ayaa lagu sheegay mid ka mida dagaaladii ugu xooganaa ee Laascaanood ka dhaca, tan iyo intii uu dagaalku ka bilowday magaaladaasi 6-dii bishii February.

Dhinacyada ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu weerarka soo qaaday.

Barraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaalo muujinaya dad maxaabiis ah, oo dhinacyadu ay sheeganayaan in ay dagaalka ku qabteen.

Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa maalmihii ugu dambeysay ahayd mid degan, iyadoona ay Beesha Caalamka wadday dadaalo ay isugu soo dhaweynayso dhinacyadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com