Madaxweynaha Jubbaland oo ku laabtay Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qayb ka ahaayeen Labada Gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Khamiistii gaaray Magaalada Baydhabo, halkaas oo Madaxweynuhu uu kaga qaybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) iyo xubno kale ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu Kismaayo ka bilaabo abaabul ciidan, xilli wejiga labaad ee hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab lagu wado in toddobaadyada soo socda ay ka bilowdaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com