Raysal Wasaare Barre iyo Kuxigeenkiisa oo Muqdisho ku soo laabtay

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha iyo Kuxigeenkiisa oo Arbacadii gaaray Magaalada Baydhabo ayaa halkaasi kaga qaybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo xalay lagu soo geba-gabeeyay magaaladaasi.

Shirka 5aad Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabtay Baydhabo, isla-markaana uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qaybgalay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaan isagu ka qaybgelin shirkaasi.

Shirkan oo ah mid 2-dii biloodba mar la qabto ayay madaxdu kaga hadlaan, hadba marxaladda uu markaasi dalka marayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com