Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa uu dagaal culus ka socdo deegaanka Aboorey ee bariga gobolkaasi, oo dagaalka maalmahaanba ka socday uu maanta galay maalintii lixaad.
Wararka ayaa sheegaya in xaaladda deegaanka ay caawa ka duwan tahay habeenimadii la soo dhaafay, maadaama marka uu gabalku dhaco ay xabadda istaageysay.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan maleeshiyada Al Shabaab ee ka dhex dagaalameysa godadka ay ka dhex qoteen mid ka mid ah xaafadaha deegaankaasi.
Sidoo kale diyaarado dagaal ayaa la soo sheegaya in ay hawada ka garaaceen maleeshiyadaasi, waana markii koowaad oo xilli habeen ah xagga cirka laga duqeeyo.
Dagaalkan oo u muuqdo mid sii daba dheeraanaya ayay saraakiishu isku dayayaan in la soo afjaro, iyagoo marba tallaabo cusub qaadaya.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Aboorey u jooga, sidii uu dhinac ugu dhici lahaa hawlgalka ka socdo.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa Sabtidii gaaray deegaankaasi, si ay u dhiirigeliyaan ciidamada wada hawlgalka lagu soo afjarayo maleeshiyada.
Maleeshiyadan ayaa caawa oo kale toddobaadkii hore soo gashay deegaankaasi, iyadoo uu ujeedkoodu ahaa in ay uga sii gudbaan deegaanka Yasooman, si ay ula wareegaan waddada Yasooman iyo Degmada Maxaas.
Hase yeeshee Dowladda Federaalka oo ka hortimid qabsashadooda Aboorey ayaa waxay keentay in Taliska Militariga uu dagaal ku qaado maleeshiyadaasi, ka dib wax ka yar 48 saac oo deegaanka ay ku sugnaayeen.
Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Gaarka ee NISA iyo Macawiisleyda ayaa Talaadadii weerar culus ku qaaday Shabaabka qabsaday Aboorey.
Dagaalka ayaa tan iyo xilligaasi waxa uu si xiriir ah uga socdaa deegaankaasi, waxaana uu Militariga Somaliya uu dadaal ugu jiraa in maleeshiyada laga kiciyo deegaankaasi.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabku ay go’doon ku yihiin gudaha Aboorey, isla-markaana inay isa soo dhiibaan ay ka boor-bidayaan inay sii dagaalamaan.
Shabaabka ayaa la sheegay in Jimcihii ay dalbadeen in loo furo marin ay uga baxaan deegaankaasi, iyaga oo adeegsanaya odayaal deegaanka ah, laakiin aan soo jeedintoodu la aqbalin.
Warka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyada loo bandhigay in ay isa soo dhiibaan, bedelkii ay dhiman lahaayeen, haddii aysan ka lug bixi karin xaaladdan horgudban.
Ma cadda waxa uu ku dambayn doono masiirka maleeshiyadan, oo haddaba wajaheysa xaalad hubinti la’aan ah.