Al Shabaab ayaa toban sano ka dib soo afjartay xayiraaddii ganacsi ay ku haysay deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan qaybo ka mid ah Gobolada Baay iyo Bakool.
Al Shabaab ayaa xayiraaddan ganacsi soo rogtay, ka dib markii dagaal looga saaray magaalooyinka iyo deegaanada qaar ee ay ka maamusho goboladaasi, iyadoona ganacsatada uga digtay in ay badeecadaha ganacsiga geeyaan dhulkaasi.
Go’doomintan ayaa si gaar ah u saameysay shacabka ku nool Magaalooyinka Xudur, Waajid, Qansaxdheere & Diinsoor iyo weliba deegaanada hoostaga, iyada oo machiisadda ay cirka isku shareertay. Shabaabka ayaana meelo kala duwan dab ku qabadsiiyay gaadiidka xamuulka iyo raashiin ay u wadeen dhulkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay Sabtidii fureen waddooyinkii u xirnaa muddada dheer, ka dib heshiis dhex maray ganacsatada Gobolada Baay iyo Bakool.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in horjoogeyaal Shabaabka ka tirsan iyo guddi ka socda ganacsatada goboladaasi ay maalmahaanba wada hadalo uga socdeen Degmada Tiyeeglow iyo deegaanada Buula Fulaay iyo Bush Madiina, ugu dambayna ay isku afgarteen in la qaado xayiraadda ganacsi iyo dhaqdhaqaaqa gaadiid ee dhammaan magaalooyinka iyo deegaanada goboladaasi.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in isu socodka gaadiidka ay magaalooyinka labadaasi gobol yihiin kuwo shaqeynaya, waddooyinkana ay furan yihiin.
Dadka ayaa kuu sheegaya in gaadiidka ay si caadi ah u marayaan waddooyinka, xitaa goobaha ay kaga sugan tahay maleeshiyada, cid wax weydiineysana aysan jirin.
Tani ayaa waxay soo afjareysaa is hortaagii ay Shabaabku ku hayeen dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha, oo magaalooyinka iyo deegaanada qaar aan horey loogu ogoleyn inay taggaan.
Shacabka ayaa sanado badan baqdin ay ka muujinayeen waddada oo aan amni ahayn awgeed diyaarado u raacaayay magaalooyinka.
Ma cadda waxa Al Shabaab ay ku bedelatay xayiraaddan ay soo afjartay, oo markii horeba ka dhalatay dhulkii laga saaray.
Horaan ganacsatada deegaanka ayaa dadaal badan u gashay, sidii loo soo afjari lahaa cunaqabateynta ganacsi, balse ay dadaaladoodii guuldareysteen, ka dib markii Al Shabaab ay ka hortimid inay soo afjarto go’doominteedan oo loo arkayay mid si gaar ahi u taabaneysa dadka reer Koonfur Galbeed, marka aad eegto gobolada kale ee dalka.
Shacabka ayaa waxay si weyn ugu faraxsan yihiin in Shabaabku garowsadaan inay qaadaan xayiraaddaasi.