Home Dhacdooyin Hoggaamiyaha Ahlu Sunna oo soo gaaray Muqdisho, ka dib markii dowladda ay u yeertay

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna oo soo gaaray Muqdisho, ka dib markii dowladda ay u yeertay

by Laacib

Hoggaamiyaha Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa gelinkii dambe ee Isniintii soo gaaray Magaalada Muqdisho, ka dib markii Dowladda Federaalka ay u yeertay.

Masuuliyiin uu horkacayo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ku soo dhaweeyay garoonkaasi.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dalka dibaddiisa, inkastoo xaruntiisa ugu weyn ee dalka ay tahay deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Villa Somalia ay u yeertay Macalin Maxamuud, si loo xoojiyo iskaashigooda ku aaddan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab, waxaana lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Federaalka ayaa bishii January soo celisay xiriirkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, ka dib dhowr sano oo aanay wax cilaaqaad ahi lahayn Villa Somalia iyo Hoggaanka Ahlu Sunna.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa taageeradooda ku bedelanaya in dib loo soo nooleeyo doorkoodii siyaasadeed ee Galmudug iyo dalkaba, oo Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay meesha ka saartay sanadkii 2020, dalkana ay isaga taggeen saraakiishaasi.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaase bartamihii bishii September ee sanadkii 2021 dib ugu soo laabtay bartamaha dalka, iyagoona wixii xilligaasi ka dambeeyay saldhig ka sameystay deegaanka Bohol oo 25km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Inkastoo Sheekh Maxamed Shaakir uu tan iyo bishii January ku sugan yahay Caasimadda Muqdisho, haddana Saraakiisha Hawlgalinta Ahlu Sunna ayaa Gobolada Dhexe ka wada abaabul iyo diyaargarow ciidan, si Ciidanka Xoogga Dalka looga garab siiyo la dagaalanka Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa aaminsan in Xoogaga Ahlu Sunna ay muhiim u yihiin in laga adkaado Shabaab.

Xoogagan ayaa muddo dhowr iyo toban sano ah Al Shabaab kula dagaalamayay qaybo ka mid ah Gobolada Dhexe, iyagoona dhulkii ay Ahlu Sunna ka arrimnineysay ka dhigay meel ka caagan Shabaabka. Shabaabka waxaa la sheegaa inaysan jecleyn dagaalka Xoogaga Ahlu Sunna, sababtu tahay iyagoo og inay caqiiddo ku dagaalamayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc