Home Dhacdooyin SSC Khaatumo oo 25 maxbuus ku wareejisay Dowladda Federaalka (SAWIRRO)

SSC Khaatumo oo 25 maxbuus ku wareejisay Dowladda Federaalka (SAWIRRO)

by Laacib

Maamulka SSC Khaatumo ayaa maanta 25 maxbuus ku wareejiyay Dowladda Federaalka, kuwaas oo sida la sheegay lagu qabtay dagaalkii sanadkii 2023 ka dhacay Magaalada Laascaanood.

Wasiirka Caddaaladda Somaliya, Xasan Macalin Maxamuud ayaa maxaabiistan kula wareegay Garoonka Diyaaradaha ee magaaladaasi.

Maxaabiistan ayaa waxay isugu jiraan kuwo da’ ah, naafo iyo qaarkood oo dhaawac uu ka muuqdo, waxaana loo arkay in ay yihiin kuwo ugu daran.

Wasiirka Caddaaladda Somaliya ayaa gelinkii dambe ee Axaddii kormeeray Xabsiga Dhexe ee Laascaanood, isagoo u kuurgelayay xaaladda maxaabiista ku xiran.

Maamulka ayaa sheegay in maxaabiistan lagu sii daayay arrimo bani’aadantinimo, maadaama ay qabaan sida uu maamulku sheegay duruufo gaar ah.

Maxaabiistan ayaa diyaarad loogu qaaday Magaalada Muqdisho, waxayna Dowladda Federaalka qorsheynaysaa in ay ku wareejiso Somaliland.

Waa markii ugu horreysay oo SSC Khaatumo ay sii deyso qaar ka mid ah maxaabiista labaatankii bilood ee u dambeysay ku xirneyd Laascaanood.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc