Home Wararka Maanta Madaxweynaha Hirshabelle oo booqday aagga Sumadaale (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle oo booqday aagga Sumadaale (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta ciidamada ku booqday duleedka deegaanka Sumadaale oo hoostaga Degmada Cadale.

Sumadaale ayaa bartamihii bishii March noqotay furin dagaal, ka dib markii loo arkay in Al Shabaab ay qayb ahaan ka hoggaamineyso weeraradeeda ay 20-kii bishii February ka bilowday bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa dhowr jeer weeraray maleeshiyada ku sugan deegaankaasi, inkastoo aanay si buuxda uga saarin. Ciidamada ayaa hadda dul degan deegaankaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa halkaasi ku booqday Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Macawiisleyda oo ku sugan, isagoona kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in kulanka lagu gorfeeyay, sidii loo xaqiijin lahaa in duulaan mida lagu qaado maleeshiyadaasi.

“Waxaan ku kalsoonahay xeeladda iyo tababarka aad qabtaan. Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal waan ka adkaanaynaa maalmaha soo socda, haddii uu Alle idmo.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay “Hirshabelle waxaa ka go’an in la wiiqo awood walba ay halkan isugu keentay Khawaarijta.”

Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka socdo olole ballaaran oo la doonayo in Al Shabaab lagaga saaro bariga gobolkaasi, ka hor inta aan maleeshiyada lagu weerarin daanta galbeed ee gobolkaasi oo si buuxda ay uga arrimiso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc