Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saaka weerar dhowr jiho leh ku qaaday Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday qaraxyo, ka dibna uu xigay dagaal toos ah oo degmadaasi ku dhex maray ciidamada iyo maleeshiyadaasi.
Inkastoo isgaarsiinta ay hadda tahay mid ciriiri ah, haddana dadkii ka soo cararay dagaalka ayaa sheegay in Shabaabku ay beegsadeen Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay ku leeyihiin degmada.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadu ay isaga baxeen degmadaasi, haaatana ay haystaan maleeshiyadii soo weerartay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay xilligan ku sugan yihiin aagga xuduudda ee Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori, isla-markaana ay qorsheynayaan in ay dib ugu rogaalceliyaan.
Aadan Yabaal ayaa muddooyinkii u dambeysay ahayd taliska ugu weyn ee Militariga Somaliya uu ku leeyahay Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Shabaabka ayaa 1-dii bishii January ee sanadkii 2023 laga saaray degmadaasi, ka dib dhowr iyo toban sano oo maamulkeeda ay gacanta ku hayeen.
Shabaabka ayaa ku dhawaad laba bilood ka hor culeys soo saaray deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, taasoo gobolka ka dhigtay furinta ugu weyn ee ay maanta ku dagaalamayaan ciidamada iyo maleeshiyada Al Shabaab.
Weerarkan ayaa imananaya, iyadoo Shabaabku uu maalmahaanba culeys ka haystay dagaalka, tan iyo 8-dii bishan ka socdo deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan.
Qabsashada Al Shabaab ee Degmada Aadan Yabaal ayaa dib-u-dhac kale ku ah dadaaladii la doonayay in looga saaro goobihii ay dhawaan ka qabsadeen bariga gobolkaasi.