Home Wararka Maanta Netanyahu oo booqday waqooyiga Marinka Gaza

Netanyahu oo booqday waqooyiga Marinka Gaza

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Talaadadii booqasho aan horey loo sii shaacin ku tegay waqooyiga Marinka Gaza.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in Raysal Wasaaruhu uu booqday Ciidamada Israel ee ku sugan qayb ka mid ah waqooyiga Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa la sheegay in uu ciidamadu ku booriyay in ay si qoto dheer gudaha ugu galaan Marinka Gaza.

Xafiiskiisa ayaa baahiyay muuqaal uu Netanyahu ku sheegayo in Xamaas ay ciqaab adag la kulmi doonto, haddii aynaan sii deynin maxaabiista Israeliyiinta.

Raysal Wasaaraha ugu waqtiga dheer ee Israel ayaa dhowr jeer oo hore booqday Marinka Gaza, tan iyo bilowgii duulaankan ay Tel Aviv ku qaadday Gaza bishii October ee sanadkii 2023.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maamulka Falastiiniyiinta ayaa cambaareysay booqashada Netanyahu ee Gaza iyo hadaladiisa kicinta rabshadaha.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa dhawaan sheegay in ciidamadiisu ay kala qaybin doonaan Gaza, isla-markaana ay dhul cusub ka qabsanayaan Falastiiniyiinta.

Ciidanka Cirka Israel ayaa 18-kii March soo cusbooneysiiyay dil wadareedkii ay muddada dheer ku hayeen reer Gaza, ka dib xabad joojin shaqeynaysay ku dhawaad laba bilood. Ciidamada Israel ayaana wada hawlgal ay isugu fidinayaan Gaza.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa mar sii horreysay ku hanjabay in ay qabsanayaan dhul ballaaran oo Gaza ah, oo ka mid noqonaya sida uu yiri aagagga amni ee Israel.

Booqashadan ayaa waxay ku soo aadeysaa, iyadoo uu sii xoogeysanayo cadaadiska dowladda uu Netanyahu hoggaamiyo ka haysata gudaha Israel ee looga soo horjeedo dagaalkan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc