Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh “Ciidan kala yaacay ma jiraan”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Ciidan kala yaacay ma jiraan”

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in dalka uu ku jiro dagaal, isagoo dhanka kalena sheegay in dowladdu ay si guud ugu guuleysatay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la kala saaro dagaalka guud ee dalka ka socdo iyo weerarada ay Shabaabku mararka qaarkood ku soo qaadayaan goobaha ay ciidamadu ku sugan yihiin.

Madaxweynaha oo soo xirayay Shirka Xuquuqul Insaanka ee maalmahaanba ka socday Magaalada Muqdisho ayaa diiday in dowladdiisu ay ku fashilmatay dagaalkan, balse waxa uu qiray in mararka qaarkood maleeshiyadu ay qabsan karto barraha ay ciidamadu ku sugan yihiin.

“Saaka meel wax ka dhacaayaahi waa goob dagaal iyo dagaal ayay kala yihiin. Dagaal guud ayaan annaga Al Shabaab kula jirnaa oo dalka oo dhan ah. Dagaalkaasi guud waan ku guuleysanay, waana wadnaa, laakiin maxaa ka dhacayo goob dagaal? Maalinaa lagu riixaa, maalinaa wax riixee, maalin waa lagaa adkaanaa, maalin waad adkaanee. Maalmo is daba socdaa lagaa adkaanaa, maalmo is daba socdaa wax ka adkaanee.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa yiri “Laba sano oo hore oo is daba tiilay ayaan adkaanay oo aan daba soconay. Marka mararka qaarkood in annaga na laga adkaado oo nala soo daba kacaahi, taas macnaheedu ma ahan dagaalkii waa lagu fashilmay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya inaysan jirin askar kala yaacday, isla-markaana aan la waayin ciidan u dagaalama qaranka.

“Dadka marka dadka u tusaaya dagaalka waa lagu fashilmay, xagee ka dhacday, Shabaabaa cirka maray oo inta ka baxay, ciidan dagaalamo ma jiro, ciidamadii waa kala yaaceen. Maxay u kala yaaceen? Meesha waa la qabsaday aad leedahay askari soo ma ahayn waxa dagaalamayay oo laga qabsaday oo joogay. Wax la kala yaacay iyo wax kala tagey ma jiraan.” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo xubnaha kale ee dowalddiisa ayaan weli si toos ah uga hadlin dagaalka faraha looga gubtay ee maanta ka dhacay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Al Shabaab ayaa dagaal culus kula wareegtay degmadaasi oo laga saaray 1-dii bishi January ee sanadkii 2023, ka dib muddo ay ciidamadu weerar ku hayeen.

Al Shabaab ayaa sidoo kale waxay maanta isku wada fidisay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan, ka gadaal markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay soo banneeyeen deegaankaasi.

Culeyska gaarka ahi ee ay Shabaabku ku hayaan Hirshabelle ayaa carqaladeynaya dadaaladii socday ee lagu xoojinayay wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ee lagaga saarayo deegaanada Hirshabelle.

Al Shabaab ayaa waxaa muuqato inay dadaal badani ku bixineyso, sidii ay u wiiqi lahayd qorshaha looga kicinayo daanta galbeed ee Hirshabelle oo muddo dheer ay ka arrimineysay, iyadoo taasi bedelkeedana hadda weerar ku hayso bariga labada gobol ee Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc