Home Wararka Maanta Magaalada Buuloburde oo qarka u saaran in la go’doomiyo

Magaalada Buuloburde oo qarka u saaran in la go’doomiyo

by Laacib

Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa halis ugu jirto in wax ka yar saddex sano ka dib ay ku laabato go’doomintii ay ku hayeen maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii maleeshiyadaasi bilowday inay qabsato deegaanada hoostaga.

Maleeshiyada ayaa is fiditaan ka waddo bariga gobolkaasi, markii ciidamadu ay soo banneeyeen deegaano muhiim u ahaa difaaca gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay soo banneeyeen barro ay ka difaacayeen inaanay maleeshiyadaasi ku soo fidin dhulka buuraleyda ee deegaanka Yasooman, tani oo dhabaha u xaartay in Shabaabku qabsadaan deegaankaasi.

Ciidamada ayaa ku dhawaad saddex ka hor maleeshiyadaasi si dhib badan uga saaray buuraleydaasi.

La wareegista Al Shabaab ee Yasooman ayaa Buuloburde ka soo xirtay waddadii u furneyd ee tageysay Magaalooyinka Moqokori iyo Maxaas.

Shabaabka ayaa la soo sheegaya in xitaa ay ku sii dhawaanayaan in ay kala jaraan waddada laamiga ee xiriirisa Magaalooyinka Buuloburde iyo Halgan ee tagta Magaalada Beledweyne.

Maleeshiyada Al Shabaab ee culeyska uu ka degay ee ku sugneyd deegaanka Aboorey ayaa la sheegay in ay laba isu qaybisay, qayb aadday dhinaca Yasooman iyo qayb kale oo u soo dhaqaaqday bartanka waddada laamiga ee ku dhow deegaanka Caag Bashiir.

Inkastoo deegaankan uu hoostago Magaalada Buuloburde, haddana waxa uu ku yaallaa inta u dhaxeyso Buuloburde iyo Halgan.

Shabaabka ayaa la sheegaya in gelinkii dambe ee Arbacadii shalay illaa xalay ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqooda bariga Gobolka Hiiraan, ka dib markii ciidamadu ay dib uga soo gurteen deegaanka Aboorey oo sideed cisho ay kula dagaalamayeen maleeshiyadaasi.

Go’doominta Buuloburde ayaa noqon doonto caqabad kale oo soo korortay, haddii Dowladda Federaalka aysan si degdeg ah uga gaashaaman.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc