Home Dhacdooyin Baydhabo oo lagu soo bandhigay meydadka xubno ka tirsanaa Al Shabaab

Baydhabo oo lagu soo bandhigay meydadka xubno ka tirsanaa Al Shabaab

by Laacib

Xubnahan ayaa maanta meydadkooda lagu soo bandhigay bartamaha Magaalada Baydhabo, ka dib markii saaka lagu dilay weerar ay Al Shabaab ku soo qaadday deegaanka Burjeed oo hoostaga magaaladaasi.

Kumanaan qof oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay Isgoyska Afar Irdood, halkaas oo gaadiid lagu keenay meydadka xubnaha ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay in Shabaabka ay meydadkooda uga carareen goobtii ay soo weerareen, ka gadaal markii ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamada.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed oo mar dambe Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadu ay maanta xubno badan ka dileen Khawaarijta, sida uu yiri.

Wasiirka ayaa ciidamada ku ammaanay khasaaraha ay u gaysteen maleeshiyadaasi, isagoona ku booriyay in ay Shabaab ku dilaan meel walba oo ay ku arkaan.

“Khawaarijta meel kasta oo lagu arko waa in la dilo. Ama isagaa ku dilaayo amaba adigaa dilaayo, hal qabsigeenna saas waaye.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay inay kacaan, isla-markaana ay meel kaga soo wada jeestaan, sidii ay isaga kicin lahaayeen Shabaabka, oo uu ku eedeeyay inay muddo dheer shacabkan dhibaateynayeen.

“Ninka askariga ah ama reer Koonfur Galbeed ah, Shabaab inuu adiga ku dilo amaba inaad adiga disho wax ka dhaxeeyo ma leh.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka ayaa isla dhex maraya in Shabaabku ay ku hungoobeen isku day ay ku doonayeen in ay kula wareegaan Burjeed oo ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga Baydhabo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc