Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa sheegay in Al Shabaab ay xusul-duub ugu jirto, sidii ay u qabsan lahayd deegaanada Hirshabelle.
Wasiirka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ku foogan yihiin, sidii Al Shabaab looga kicin lahaa deegaanadii ay dhawaan ka qabsatay Hirshabelle, loogana saari lahaa galbeedka Hirshabelle oo horey ay u haysatay, laakiin si taasi ka duwan ay maleeshiyadu dooneyso inay qabsato Hirshabelle oo dhan.
“Annagu waxaan rabnaa Shabaab inaan ka adkaano oo meelihii ay qabsadeen ka saarno, meelaha ay horey u joogeen oo galbeedka ahna inaan ka saarno, ayaguna waxay rabaan inay na qabsadaan.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa diiday in Al Shabaab ay haatan qabsan karto Magaalada Jowhar, oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Shabaabka oo dhawaan si aan horey loo arag isugu soo fidiyay bariga Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa qabsaday deegaano qaar oo hoostaga Magaalada Jowhar. Ciidamada ayaana fariisimo cusub ka sameystay duleedyada magaaladaasi, si looga ilaaliyo Shabaabka guur-guura ee is ballaarinta ka wada gobolkaasi.
“Jowhar waa xaruntii maamulka waa sax, way difaacan tahay. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Hirshabelle ayaa ku sugan, mana qabsan karaan, meelo dambe oo Hirshabelle ah inaanan la qabsan ayaan rajo ka qabaa aniga.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle.
Wasiirka ayaa tibaaxay in Shabaabku ay duulaan qorsheysan ku soo qaadeen Hirshabelle, ha yeeshee aysan xaaladdu sidaan sii ahaan doonin toddobaadyada ina soo aaddan.
“Nimankan waxay ku soo duuleen deegaano badan oo Hirshabelle ah, abaabul qorsheysan ayayna ugu soo duuleen. Meelaha qaar waa lagu jebiyay oo looga adkaaday, meelaha qaarkoodna way soo gaareen, haddana si tabar darro ah ayay ku joogaan. Insha’Allah toddobaadyada soo socda tallaabo ayaa laga wada qaadi doonnaa.” Ayuu yiri Wasiir Karoore.
Weerarada Shabaabka ayaa xiisad ka abuuray bariga Hirshabelle, waxayna si qoto dheer u saameeyeen siyaasadda Dowladda Federaalka.
Villa Somalia ayaa dadaal ugu jirto, sidii loo hakin lahaa weerarada Shabaabka, ka dibna loogu dhaqaaqi lahaa ka miro-dhalinta qorshihii dagaal ee la dejiyay ee maleeshiyada looga saarayay galbeedka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.