Home Wararka Maanta Degmada Moqokori oo halis ugu jirto in lala wareego

Degmada Moqokori oo halis ugu jirto in lala wareego

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad hubinti la’aan ah ay ka jirto Degmada Moqokori ee gobolkaasi, ka dib markii ay bannaanadeeda soo kubaareeyeen maleeshiyada Al Shabaab.

Maleeshiyadan oo Arbacadii dagaal culus kula wareegtay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa qaybtood u soo jiheysatay dhinaca Moqokori.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada ay isaga baxeen degmadaasi, marka laga soo tago Macawiisleyda oo la soo sheegayo in ay ku sugan yihiin.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Sabtidii isaga tagey degmadaasi, isagoona aaday Magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo Moqokori ayaa sheegaya in ay baqdin soo wajahday dadka deegaanka, isla-markaana ay qaar ka mid ah bilaabeen in ay isaga barakcaan degmadaasi.

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo carqaladeynaya dhaqdhaqaaqii maalmihii u dambeysay ka socday degmadaasi ee ciidamadu ugu diyaargaroobayeen, sidii ay ugu rogaalcelin lahaayeen Degmada Aadan Yabaal.

Culeyskan ay Shabaabku soo saareen Moqokori ayaa lagu macneeyay mid maleeshiyadu ay colka militari uga dul qaadeyso Aadan Yabaal.

Ma cadda in Macawiisleyda oo keliya ay ku filan yihiin difaaca Moqokori iyo in ay iyana isaga bixi doonaan degmadaasi.

Haddii Moqokori ay ka baxdo gacanta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa waxay noqoneysaa degmadii ugu horreysay ee Shabaabku ka qabsadaan Gobolka Hiiraan, tan iyo intii dhawaan ay culeyska soo saareen bariga deegaanada Hirshabelle.

Moqokori waxay ka mid tahay Degmooyinkii Hirshabelle ee Al Shabaab laga saaray, intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc