Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan aan caadi ahayn la yeeshay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoona kulanka lagu gorfeeyay weerarada aan noocooda horey loo arag ay maleeshiyada Al Shabaab ka waddo deegaanada bari ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Weeraradan oo Al Shabaab ay dhul ballaaran kaga qabsatay Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa si weyn u saameeyay xasilloonidii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka.
Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Saraakiisha Militariga oo uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayay wararku sheegayaan in Madaxweynuhu uu carro kala dul dhacay saraakiishaasi.
Kulankan oo aan Warbaahinta lala wadaagin ayaa haddana wararka laga helayo Xafiiska Madaxweynaha ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saraakiishu faray in si degdeg ah loo hakiyo dhul ballaarsiga ay kooxaha argagixisada ka wadaan deegaanada Hirshabelle, ka dibna ay ciidamada ku hoggaamiyaan, sidii kooxahaasi dib looga saari lahaa deegaanadii ay dhawaan qabsadeen.
Qabsashadii Al Shabaab ee Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa dib-u-dhac weyn ku noqotay dadaaladii ay Dowladda Federaalka ugu jirtay in ciidamadu ay dib ula wareegaan in ka badan toban deegaan oo Shabaabku ka qabsadeen bariga gobolkaasi.
Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay tallaabada ay Shabaabku Arbacadii kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Aadan Yabaal, waxayna bannaanka keentay habaca ka jira gudaha ciidamada.
Degmadan oo ku taala goob istiraatiiji ah ayaa labadii sano ee u dambeysay ahayd Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda Taliska Militariga iyo Saraakiisha Hawlgalinta Ciidamada weydiistay in ay marka hore hakiyaan weerarada Al Shabaab, ka dibna ay u jiheystaan, sidii maleeshiyada looga riixi lahaa dhulka ay soo gashay.
Al Shabaab ayaa furin weyn oo dagaal ka furtay bariga Hirshabelle, waxayna taasi carqaladeysay qorshihii billaha dhow lagu doonayay in maleeshiyada lagaga saaro daanta galbeed ee Hirshabelle.
Al Shabaab ayaa muddo dheer haysatay galbeedka Hirshabelle, si ay u difaacatana waxay isku dayeysaa in ay joogteyso hawlgaladeeda bariga maamulkaasi.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Villa Somalia ay qorsheynaysay in illaa bisha June ee bartamaha sanadkan lagu soo afjaro Shabaabka Hirshabelle, taas oo aan xilligan u muuqdan mid la xaqiijin karo.
Shabaabka ayaa si qoto dheer isugu soo fidiyay deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, wax yar uun ka dib, markii ciidamadu ay wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ka bilaabeen labada gobol ee Hirshabelle.