Home Wararka Maanta Ciidanka Puntland oo cagta saaray waddada deegaanka Moqor

Ciidanka Puntland oo cagta saaray waddada deegaanka Moqor

by Laacib

Ciidanka Difaaca Puntland oo si adag u difaacday gacan ku haynta deegaanka Miiraale ee Gobolka Bari ayaa maanta uga sii gudbay jihada deegaanka Moqor.

Ciidamada ayaa Jimcihii dagaal culus kula wareegay deegaanka Miiraale, waxayna Sabtidii fashiliyeen weerar rogaalcelin ah oo maleeshiyada Daacish ku soo qaadday deegaankaasi.

Daacish ayaa Miiraale ku lahayd mid ka mid ah saldhigyadeeda ugu waaweyn ee Buuraleyda Calmiskaad, iyadoona ka hawlgaleysay ku dhawaad muddo 10 sano ah.

Ciidamada ayaa Axaddan cagta saaray waddada Moqor, iyadoo khatarta argagixiso laga fogeynayo Miiraale, si loo xaqiijiyo yoolasha dagaalka ka dhanka ah Daacishta Somaliya.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciidamadu ay hawlgal ka wadaan inta u dhaxeyso Miiraale iyo Moqor, si cagta loo mariyo firxadka argagixisada, kuwooda u cararay dhinaca Moqor.

Ciidamada ayaan weerarka ka joojineyn Daacish, taasoo maleeshiyada ka hor istaageysa fursad kasta oo ay dib ugu soo weerari karto dhulkii la xoreeyay.

Waxay noqon doontaa guul kaloo aad muhiim u ah oo ciidamadu ka gaareen dagaalka Daacish, haddii ay maleeshiyada ka sifeeyaan Togga Moqor.

Moqor waxay ka mid tahay deegaano aad u kooban oo haatan ay Daacish kaga harsan tahay Gobolka Bari ee Puntland, oo ah gobolka qura ee Daacish kaga sugan tahay dalka.

Ciidamada ayaa ciriiri gelinaya jiritaanka Daacish iyo joogitaankeeda dalka, waxayna weeraradoodu soo gaabinayaan cimriga maleeshiyadaasi.

Taliska Ciidanka Difaaca Puntland ayaa marar badan sheegay in ciidamadu ay fulinayaan amarkii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ee ahaa in la soo qabto ninka ugu dambeeya ee Daacish amaba la dilo.

Puntland oo afar bilood oo xiriir ah dagaal ku hayso Daacish ayaa muddada uu hawlgalkan socdo ka mashquulin hadafkeeda ay dalka kaga ciribtireyso Daacish.

Daacishta Somaliya waa khatarta labaad ee amni ee dalka ka jirta, waxaana hoggaamiyaheeda lagu magacaabaa Cabdiqaadir Muumin Cali, oo horey uga tirsanaa Xafiiska Dacwada ee Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc