Maleeshiyada Al Shabaab ayaa sii waddo weeraradeeda bariga Hirshabelle, xilli la sheegayo in Militariga Somaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ay xagga cirka ka garaacayaan maleeshiyadaasi.
Al Shabaab ayaa la sheegay in ay dagaalkeeda u soo rartay bariga Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo markaasi ka damacsan in ay difaacato galbeedka goboladaasi oo muddo dheer ay maamuleysay.
Maleeshiyada ayay u suurtagashay in ay wiiqdo gulufkii dagaal ee ku wajahnaa daanta galbeed ee Hirshabelle, waxayna taasi bedelkeeda ay furin cusub ka furtay deegaanadii xorta ahaa ee sanado ka hor laga saaray, maantana ay ka waddo qalqalgelin amni.
Al Shabaab ayaa la aaminsan yahay in maleeshiyaad fara-badan oo Gobolada Koonfureed ka keentay ay soo gelisay qaybo ka mid ah bariga deegaanada Hirshabelle, gaar ahaan Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada ayaan illaa iyo hadda ku guuleysan inay hakiyaan weerarada maleeshiyadaasi ay dhulka cusub kaga qabsaneyso deegaanadii xorta ahaa ee ku jiray gacanta qaranka, iyadoo ay hawada ka taageerayaan diyaaradaha dagaaalka ee saaxiibada caalamiga ah.
Lama oga, sida maleeshiyadu ay uga xeeladeysanayso duqaymaha cirka ee lagu hayo, isla-markaana ay ugu suurtagashay inaanan lagu jebin aagagga dagaalka.
General Maxamed Tahliil Biixi, Taliyihii hore ee Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa mar sii horreysay wareysi uu BBC siiyay ku sheegay in weerarada cirka ay muhiim u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, haddana aanu hawlgalka hawada ku filneyn in la xaqiijiyo guusha dagaalka.
“Dagaalka cirka wuxuu naafeeyaa cadowga goobihiisa fogfog, gurmadyadiisa, wuxuuna mooral jebiyaa cadowga, hadday ahaan lahayd madaxdiisa iyo guud ahaan cadowga oo dhan. Dagaalka cirka wuxuu dhiirigeliyaa ciidamada ay diyaaraduhu la socdaan.” Ayuu yiri General Maxamed Tahliil Biixi.
Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu yiri “Waxaan rabaa inaan ku xusuusiyo guulaha waxaa xaqiijiya ciidanka dhulka. Ciidanka dhulka waxaa la isku yiraahdaa wax allaala wixii dhulka laga rido oo dhan, sida dabaabaadka taangiyada, beebeeyada, baabuurta gaashaaman, madaafiida kala duwan iyo ciidanka lugta ee askarta. Waxa guusha xaqiijiyaa waa ciidanka dhulka, diyaaraduhuna waxay caawiyaan guushaas ciidanka dhulka uu gaaraayo.”
Baaxadda culeyska ay Shabaabku soo saareen bariga Hirshabelle ayaa keentay in ciidamadii billihii January iyo February hawlgalka ka bilaabay Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay dhibaato ka qabsato inay dhaqaaqaan. Ciidamada oo difaac ku uruuray ayaa xitaa arkaysaa in laga fara maroojinayo goobihii ay difaacanayeen qaar badan oo ka mid ah.
General Maxamed Tahliil Biixi ayaa qaba in wax laga bedeli karo xaaladda ka taagan jiidaha hore, haddii shacabka Soomaaliyeed ay is garab taagaan ciidamada.
Ka dib markii Al Shabaab ay Arbacadii qabsatay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayay Madaxda Qaranku ku baraarugtay in habacsanaan ciidan ay jirto.
Madaxda Dowladda Federaalka ayaa la filayaa in ay tallaabo cusub qaadi doonaan.