Home Dhacdooyin Mareykanka oo kordhiyay duqaymaha uu ku hayo Xuuthiyiinta Yemen

Mareykanka oo kordhiyay duqaymaha uu ku hayo Xuuthiyiinta Yemen

by Laacib

Mareykanka ayaa sii xoojinaya weerarada xagga cirka ee uu ku hayo Ururka Xuuthiyiinta Yemen, iyadoo Xuuthiyiintuna ay sii wadaan weerarada ay kaga falcelinayaan xasuuqa Gaza iyo duqaymaha kaga imanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo maraakiibtiisa ku sugan Badda Cas.

Mareykanka ayaa caawa duqayn culus ka gaystay Caasimadda Yemen ee Sanca, saacado uun ka dib, markii uu beegsaday Jaziiradda Kamaran iyo Gobolka Marib, sida ay ku warantay Warbaahinta Xuuthiyiinta.

Wakaaladda Wararka Yemen ee Saba ayaa baahisay in ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ay ku dhinteen duqayntaasi, 12 kalena ay ku dhaawacmeen.

Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu mar sii horreysay uu duqeeyay gobolka galbeedka Yemen ku yaala ee Hudaydah, waxayna diyaaradihiisa dagaalka ay duqeeyeen goobo lagu tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin Xoogaga Xuuthiyiinta.

Sabtidii, diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa 13 jeer garaacay Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Hudaydah, ka dib weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Jimcihii lala beegsaday Dekedda Ras Isa ee ku taala Gobolka Hudaydah, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 150 kale.

Hudaydah ayaa ka mid ah goobaha ugu badan ee Mareykanku uu duqaymaha ka gaysanayo, si Xuuthiyiinta loogu cadaadiyo inay joojiyaan weerarada ay ku qalqalgelinayaan amniga Israel iyo beegsiga ay ku hayaan maraakiibta qaar ee ku goosheysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Mareykanka ayaa maalin kasta duqaymo dhanka cirka ah ka gaysanaya goobaha ay Xuuthiyiinta gacanta ku hayaan ee dalka Yemen. Dadka rayidka ah ayaa la sheegay in ay yihiin dhibaneyaasha ugu badan ee duqaymaha Mareykanka, sidoo kale goobo ciidan ayaa la burburiyay, halka askarna la dilay.

Xuuthiyiinta ayaa bishii March dib u bilaabay weeraradii ay ku hayeen Israel iyo maraakiibta Israel & Mareykanka ee mareysa marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ka gadaal markii Israel ay 18-kii bishii March soo cusbooneysiisay weeraradeedii aan kala sooca lahayn ee Marinka Gaza.

Mareykanka ayaa tan iyo bartamihii bishaasi duqaymo culus ka gaysanaya dhulka ay Xuuthiyiintu ka maamulaan dalkaasi Yemen, si Xoogaga Xuuthiyiinta loogu khasbo in ay joojiyaan gantaalaha guuxooda ka dheereeya iyo diyaaradaha drones-ka ee ay ku weerarayaan gudaha Israel iyo dhulka Falastiiniyiinta laga haysto, balse deegaameynta looga sameeyay Israeliyiinta.

Xuuthiyiinta ayaa joojinta weeraradooda ka dhanka ah Israel ku xiray shuruudda ah in la soo afjaro colaadda Gaza iyo in la ogolaado gargaarka bani’aadantinimo ee la gaynayo Marinka Gaza.

Dowladda Madaxweyne Donald Trump iyo middii Joe Biden ayaa gar iyo gardarraba Israel ku taageeray dembiyada dagaal ee ay ka gaysaneyso Gaza. Mareykanka waa dalka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee Israel ku ilaaliya Bariga Dhexe.

Xoogaga Xuuthiyiinta oo fulinaya ballanqaadkoodii ku saabsanaa inaysan weerarada ka joojin doonin Israel & maraakiibta laga leeyahay labadaasi dal iyo kuwa kale ee ganacsiga caalamiga ah ee ku sii jeeda Dekedaha Israel ayaa sii wada weeraradooda.

Mareykanka iyo xulafadiisa Ingiriiska ayaan illaa iyo hadda xaqiijin inay joojiyaan weerarada Xuuthiyiinta, ka dib sanad iyo dheeraad oo Xuuthiyiinta ay garaacayeen.

Madaxweyne Trump ayaa 7-dii bishan qiray in Xuuthiyiinta ay iyagu farsameystaan hubkooda, isla-markaana uu ururka reer Yemen yahay mid saamayntiisa leh, waxaase uu wacad ku maray inay burburin doonaan.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi oo Khamiis kasta jeediya khudbad uu kaga hadlayo xaaladda gobolka ayaa si joogta ah ugu hanjaba inaysan jiri karin cid ka joojin karta weerarada ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta, illaa iyo inta codkooda laga dhageysanayo.

Hoggaamiyaha ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in Mareykanka ay la gudboon tahay inuu gacmaha qabto Israel, bedelkii ay dagaal la geli lahaayeen shacabka Yemen.

Abdul-Malik Al Houthi ayaa ku celceliya in Yemen aysan gantaalada ka joojin doonin Israel, inta ay xasuuqeyso dadka Gaza, isla-markaan ay hortaagan tahay kaalmada bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa Dowladda Mareykanka ku eedeeya in ay dhiirigelinayso weerarada naxariis darrada ah ee ay Israel ku leynayso dadka reer Gaza, iyadoo welibana si toos ah looga daawanayo barraha bulshada iyo shaashadaha kale ee caalamka.

Xuuthiyiinta ayaa adkeysi badan u leh duqaymaha Mareykanka uu ku beegsanayo bartilmaameedyadooda gudaha Yemen, iyagoona aan wax dheg jalaq ah u siineyn cawaaqib kastoo ay duqaymahaasi ku yeelanayaan, taasna waxaad ka garan kartaa, sida gantaalada ballaastikada ay ugu liishaamayaan bartilmaameedyada militari ee Israel.

Xuuthiyiinta oo ka arrimiya inta badan dalka Yemen ayaa taageero xoog leh ka haysta shacabka dalkaasi. Dadka reer Yemen ayaa Xuuthiyiinta ku garab istaagay taageeradooda shacabka Falastiin, waxayna Jimce walba dhigaan mudahaaraad looga soo horjeedo xasuuqa Gaza, laguna taageerayo ficilada militari ee Xuuthiyiinta.

Xuuthiyiinta ayaa ah garabka keliya ee militari ee Bariga Dhexe ka jira, isla-markaana ka dhiidhinaya xasuuqa ka socda Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc