Home Wararka Maanta MW Xasan Sheekh oo wado wadatashi ku saabsan is bedel lagu sameeyo Talisyada Ciidamada

MW Xasan Sheekh oo wado wadatashi ku saabsan is bedel lagu sameeyo Talisyada Ciidamada

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wado is bedel ay suurtagal tahay in uu ku sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu saacadihii la soo dhaafay waday wadatashiyo ku aaddan is bedel ay dhici karto in lagu sameeyo Hoggaanka Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha Somaliya ayaa raadinaya saraakiil khibrad u leh dagaalka lagu la jiro kooxaha argagixisada, si wax looga qabto amniga dalka oo ay ugu horreyso nabadgelyada Muqdisho. Muqdisho ayaa waxaa billihii u dambeeyay ku soo badanayay weerarada hoobiyeyaasha ee lagu garaacayo qaybo ka mid ah magaalada.

Mahad Maxamed Salaad oo horey u soo noqday Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa waxaa suurtagal ah in mar kale loo soo magacaabo Hay’adda NISA.

Is bedelka lagu sameynayo qaab dhismeedka ciidamada ayaa sidoo kale saamayn kara Taliska Ciidanka Booliska, inkastoo aan illaa iyo hadda waxba laga ogeyn cidda loo wado taliskaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu damacsan yahay in la soo celiyo jegadii Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka oo sanado ka hor meesha laga saaray, iyadoo Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay jegadaasi ku soo bedeshay Taliyaha Ciidanka Dhulka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tala jira in Cali Jeyte Cismaan loo magacaabo jegada Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka amaba Taliyaha Ciidanka Dhulka.

General Maxamed Tahliil Biixi iyo General Cabdixamiid Maxamed Dirir oo labaduba horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa laga yaabaa in ay iska dhex arkaan magacaabista cusub ee militariga.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ujeedada ay tahay in wax ka bedel lagu sameeyo qaabkii loola dagaalamayay maleeshiyada Al Shabaab, si ciidamadu ay horumar uga sameeyaan dagaalka la doonayo in dalka looga ciribtiro maleeshiyadaasi.

Hawlgalka militari ee ka dhanka ah Al Shabaab ayaa fashil qarka u fuulay, ka dib markii maleeshiyadu ay dib u qabsatay deegaano badan oo horey looga saaray oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Ciidamada ayaa waxay la tacaalayaan, sidii ay u xakameyn lahaayeen weerarada maleeshiyada iyo is fiditaankeeda bariga deegaanada Hirshabelle.

Weerarada ay argagixisadu dhulka cusub kaga qabsaneyso Hirshabelle ayaa fadeexad ku noqday Dowladda Federaalka, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda NISA oo aan iyadu xuuraan ku filan ka helin Shabaabka dhexdooda, haddiiba ay dhici lahayd in ciidamadu ay weeraradooda ka hortagaan.

Kolka Madaxweyne Xasan Sheekh uu go’aansado xubnaha la magacaabayo ayaa wuxuu u gudbin doonnaa Golaha Wasiirada, si ay u ansixiyaan.

Xubnaha ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo in dib-u-habayn ballaaran lagu sameeyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda.

Magacaabistan ayaa looga dan leeyahay isku-dubaridka howlaha ciidamada, qorsheynta hawlgalada iyo xoojinta xiriirka ciidamada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc