Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay ciidamo dagaalama u soo dirtay Somaliya, si Dowladda Federaalka looga taageero la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Inkastoo Dowladda Federaalka aysan ka hadlin imaanshaha ciidamadan ee dalka, haddana wararka laga helayo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarado militari oo sida ciidamadaasi ay Axaddii iyo Isniintii ka soo deggeen garoonkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in askartan ay tiradoodu u dhaxeyso 400 illaa 500 oo askari, isla-markaana ay horudhac u yihiin illaa 2,500 oo askari oo Turkigu uu keenayo dalka.
Ciidamadan ayaa ka qayb qaadan doona la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab, sugidda amniga ee goobaha uu Turkigu ka sameynayo howlaha sahminta & shidaal baarista iyo mashaariicda ay Ankara ka fulineyso dalka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Turkiga ayaa daba-yaaqadii bishii July ee sanadkii 2024 ansixiyay mooshin uu u soo gudbiyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, kuna aaddana in muddo laba sano ah Ciidamada Militariga la geeyo dalka Somaliya.
Tani ayaa daba socoto heshiis ay horey u gaareen labada dowladood, waana heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee labada dal, oo Dowladda Somaaliyeed lagaga caawinayo amniga iyo ilaalinta xeebaheeda.
Labada dowladood ayaa 8-dii bishii February ee sanadkii hore kala saxiixday heshiiskan oo soconaya muddo 10 sano ah.
Shaqada ugu muhiimsan ee ay haatan ciidamadan dalka ka qaban doonaan ayaa ah in la dardargeliyo hawlgalka militari ee lagu wiiqayo Shabaabka, waana markii koowaad oo Turkigu uu ciidamo ceynkani oo kale ah uu u soo diro Somaliya.
Turkiga ayaa waxaa horey dalka uga joogay boqolaal saraakiil ciidan, kuwaas oo shaqadoodu ku koobneyd tababarka Ciidamada Qalabka Sida iyo ilaalinta xarumaha uu Turkigu ku leeyahay dalka, sida Dugsiga Tababarka Ciidamada Turksom iyo Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho.
Turkiga ayaa Muqdisho ku leh saldhigga ugu weyn ee militari ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa iyo dhismaha safaaradeed tan ugu weyn ee caalamka uu ku leeyahay.