Home Wararka Maanta Shabaab oo dagaal looga saaray deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Shabaab oo dagaal looga saaray deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa maanta weerar ku qaaday deegaan ay isku uruursanayeen maleeshiyada Al Shabaab oo hoostaga Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay dagaal ku galeen deegaanka Cali Tifow, halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen Shabaabka.

Ciidamada ayay wararku sheegayaan in halkaasi ay dagaal culus kula galeen maleeshiyada, isla-markaana ay ka saareen deegaankaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka dhaqaaqeen Degmada Ceeldheer, ka gadaal markii ay heleen macluumaad ku saabsan in Shabaabku ay fariisimo ka sameysteen deegaankaasi.

Ma cadda waxa uu ujeedkoodu ahaa Shabaabka fariisimaha ka sameystay deegaankan oo jihada waqooyi uga beegan Degmada Ceeldheer.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa haatan ku sugan deegaanka oo amnigiisa ay iyagu gacanta ku hayaan.

Ciidamada la wareegay deegaanka Cali Tifow ayaa ah kuwii Dowladda Federaalka ay 25-kii bishii March gaysay Degmada Ceeldheer, ka dib markii lagu abaabulay Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa waxaa loo diyaariyay in ay ka qayb qaataan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ee Shabaabka lagaga saarayo bariga Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc