Ciidanka Difaaca Puntland ayaa bishii afaraad wada gulufka dagaal ee lagu burburinayo maleeshiyada Daacish ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Ciidamada ayaa ku sii socda deegaanka Moqor, ka dib markii ay Jimihii dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka muhiimka ah ee Miiraale.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay Moqor uga daba tagayaan maleeshiyadii Daacish ee Sabtidii ku fashilmatay weerarkii rogaalcelinta ee ay ku soo qaadeen deegaanka Miiraale.
Ciidamada ayaa la sheegaya in ay kulaalayaan Moqor, isla-markaana ay jidka ka kicinayaan maleeshiyaadka isku dayaya in ay miinooyinka geliyaan waddooyinka ciriiirga ee qarda-jeexa ah ee ay ciidamadu ku gaarayaan deegaanka Moqor.
Ciidamada ayaa maleeshiyada Daacish kula dagaalamaya dhul buuraley ah oo aan lahayn waddooyin fidsan, waana nooc dagaal oo dhib badan, tiiyoo ay haddana ciidamadu horumar muuqda ka sameynayaan.
Ciidamada ayaa muddadii uu hawlgalka socday la arkayay iyagoo lugeynaya oo maleeshiyada ugu tagaya difaacyadooda iyo godadka ay ka dagaalamayaan.
Ciidamada oo xaalad ciriiri ah geliyay maleeshiyadan ayaa hadda diiradda saaraya Moqor, taas oo ka mid ah deegaanada yar ay Daacish kaga harsan tahay Gobolka Bari.
Haddii ay ciidamadu la wareegaan Moqor ayaa waxay xaaladda ku sii adkeynaysaa Daacishta Somaliya. Hawlgalkan ayaana shaki gelinaya masiirka iyo jiritaanka Daacish ee dalka.
Daacishta Somaliya oo bishii October ee sanadkii 2015 looga dhawaaqay Gobolka Bari ayaan wax saldhig ah ku lahayn dalka intiisa kae, marka laga soo tago gobolkaasi.
Lama oga muddada uu qaadan doono hawlgalka ay Puntland ugu magac-dartay (Hawlgalka ciribtirka Daacish), si loo xaqiijiyo dhammaanba yoolasha dagaalka.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbaddiisii u dambeysay ee uu kaga hadlay hawlgalkan, waxa uu ku sheegay in dagaalku uu sii socon doono, illaa iyo inta laga soo afjarayo Daacish.
Haddii Puntland ay si dhameystiran uga adkaato Daacish ayaa waxay noqoneysaa qodax ku taagneyd ummadda Soomaaliyeed oo Alle uu ka bixiyay.