Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dib uga qarxay deegaanka Aboorey

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dib uga qarxay deegaanka Aboorey

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka soconayo deegaanka Aboorey ee bariga gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay weerareen maleeshiyada Al Shabaab ee toddobaadyadii u dambeysay ku sugneyd Aboorey oo 30km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Buuloburde.

Xoogaga Macawiisleyda oo lagu abaabulay Buuloburde ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii shalay u dhaqaaqay deegaanada Aboorey iyo Yasooman oo deris ah, iyadoo Al Shabaab ay 16-kii bishan qabsatay Yasooman, waana saacado uun ka dib, markii ciidamadu ay dib uga soo gurteen Aboorey.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa Arbacadii hore si kedis ahayd uga soo baxay Aboorey, halkaas oo sideed cisho ay kula dagaalamayeen, kuna go’doomiyeen dagaal-yahano ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab. Maleeshiyadan oo ka soo baxday godadkii ay kaga uruursaneyd mid ka mid ah xaafadaha Aboorey ayaa cagta saaray waddada Yasooman, iyadoona ay u suurtagashay in ay la wareegaan deegaankaasi.

Shabaabka qabsaday Yasooman ayaa Khamiistii jaray waddadii Buuloburde u furneyd ee tageysay Moqokori iyo Maxaas.

Shabaabka ayaa 6-dii bishan soo galay Aboorey, waxaana uu ujeedkoodu ahaa in ay uga sii gudbaan Yasooman, si ay gacanta ugu dhigaan waddada Yasooman ka baxda ee aadda Moqokori illaa Maxaas ee dhanka kalena u furan bariga Gobolka Galgaduud, laakiin Militariga Somaliya ayaa 8-dii bishan Shabaabka ku weeraray Aboorey, inkastoo ciidamadu ay sideed cisho ka dib ka soo baxeen Aboorey, iyagoo aan xaqiijin hadafkoodii ahaa in ay Shabaab ka saaraan.

Xoogaga Macawiisleyda ayaa hadda wada hawlgal ay Shabaabka uga riixayaan Aboorey illaa Yasooman, inkastoo maleeshiyadu ay iska caabin sameynayso.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu abaabulay Magaalooyinka Beledweyne iyo Halgan ayaa la filayaa in ay hawlgalka ku biiri doonaan.

Culeyska ay Al Shabaab muddooyinkii u dambeysay soo saartay deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa dib-u-dhac weyn ku keenay wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc