Home Wararka Maanta Ciidanka Burundi oo la sheegay inay weli joogaan Degmada Mahadaay

Ciidanka Burundi oo la sheegay inay weli joogaan Degmada Mahadaay

by Laacib

Maamulka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa beeniyay in Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ay isaga baxeen deegaanka Garsaale oo ku yaala inta u dhaxeyso Mahadaay iyo Jowhar.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii saacadihii la soo dhaafay barraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Militariga Burundi ay ka guureen dhowr goobood oo deegaankaasi uu ka mid yahay.

Axmed Xuseen Afrax, Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidamadaasi ay ka baxeen Garsaale.

Gudoomiyaha ayaa ku waramaya in ciidamadaasi ay Mahadaay ka joogeen laba goobood, welina ay ku sugan yihiin.

“Anigaa hubo Ciidanka Burundi waa degan yihiin Degmada Mahadaay. Laba meelood ayay ka degan yihiin, waana joogaan.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Taliyaha Saldhigga ATMIS ee Garsaale, Ernest Simbaaniye ayaan xaqiijin in ciidamadooda ay ka guureen saldhiggaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Burundi ayaa daba-yaaqadii sanadkii 2012 fariiismo ka sameystay Garsaale oo wax ka yar 100km u jirta Caasimadda Muqdisho.

ATSMIS oo Dowladda Federaalka kala sii shaqeynaysa arrimaha amniga iyo ilaalinta xarumaha dadweynaha ayaa heshiiskii horey loo gaaray uu ahaa in ATMIS ay fariisimaheeda ka bixi karto, marka la helo ciidan diyaar u ah in ay la wareegaan.

Arrintan waxay imaaneysaa, xilli Burundi aysan qayb ka ahayn dalalka Midowga Afrika ee la ogolaaday inay ciidamo ku yaboohaan hawlgalka cusub ee AUSSOM, kaas oo bedelaya ATMIS.

ATMIS ayaa hadda si ku-meel-gaar ah uga shaqeynaysa dalka inta laga gaarayo bisha June, markaas oo dalalka xubnaha ka ah hawlgalka cusub ee AUSSOM ay soo dhameystiri doonaan ciidamadooda ka midka noqonaya hawlgalkan, oo Dowladda Soomaaliyeed looga caawinayo sugidda amniga iyo burburinta Al Shabaab.

Militariga Burundi ayaa qayb ka ahaa labadii hawlgal ee ka horreyay AUSSOM ee kala ahaa AMISOM iyo ATMIS.

Burundi waa dalkii labaad ee 18 sano ka hor ciidamada ku taageeray Hawlgalka Midowga Afrika ee dalka. Uganda iyo Burundi ayaa ciidamo u soo diray dalka, waqti aad u adag.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc