Home Dhacdooyin Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Wakiilada Midowga Yurub ee dalka (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Wakiilada Midowga Yurub ee dalka (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilada Midowga Yurub ee dalka, kuwaas oo uu kala hadlay iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhaxeeya Somaliya iyo Midowga Yurub, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.

“Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaaga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah, waxa uuna soo bandhigay qaban-qaabada qabsoomidda wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka xasillinta siyaasadda dalka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Somaliya xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan, midnimada iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.”

Kulankan ayaa daba socdo kulan toddobaadkii hore Magaalada Nairobi ku dhex maray siyaasiyiinta dalka qaarkood iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ka hawlgala, kaas oo daarnaa sidii dhinacyada siyaasadda ay xal uga gaari lahaayeen khilaafka hareeyay nooca doorasho ee dalka laga qabanayo sanadka soo socda.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dooneysa in doorashada soo socoto ay noqoto mid qof iyo cod ah, iyadoo mucaaradkana ay ku andacoonayaan in taasi aysan suurtagal ahayn, sababtu tahay xaaladda amni ee dalka ka jirta.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo Puntland iyo Jubbaland ay la safan yihiin ayaa dalbanaya in dib loogu laabto doorashadii dadbaneyd ee in muddo ahba wax lagu soo dooranayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc