Home Wararka Maanta Xoogaga Macawiisleyda oo Shabaab kula dagaalamaya bariga Gobolka Hiiraan

Xoogaga Macawiisleyda oo Shabaab kula dagaalamaya bariga Gobolka Hiiraan

by Laacib

Wararka ka imanaya bariga Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay sii wadaan weerarka ay ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan deegaanada Aboorey iyo Yasooman oo hoostaga Magaalada Buuloburde.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalkii ka socday aagga Aboorey uu xoogeystay gelinkii dambe ee maanta, isla-markaana ay labada dhinac caawa isku horfadhiyaan goobihii uu gabalka ugu dhacay.

Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa sidoo kale isku dayaya in ay maleeshiyada Shabaabka ka saaraan deegaanka Yasooman oo 16-kii bishan ay maleeshiyadu qabsatay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadan ay jareen dhaqdhaqaaqii Al Shabaab ee Aboorey iyo Yasooman, isla-markaana aysan isku gurman karin.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa 16-kii bishan dib uga soo gurtay Aboorey, ka dib sideed cisho oo Al Shabaab ay kula dagaalamayeen deegaankaasi, iyadoo aan xilligaasi la sheegin wax sabab ah oo ciidamadu ay uga soo baxeen deegaankaasi.

Shabaabkii lagu la dagaalamayay Aboorey ayaa waxay qaar ka mid ah haatan ka dagaalamayaan deegaanka ku dhegan ee Yasooman.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Shabaabku ay ku jiraan dhulka buuraleyda ee Yasooman, mana cadda goorta halkaasi laga saari doono.

Saraakiisha Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamo militari ah ku abaabulay Magaalooyinka Halgan iyo Beledweyne, waxaana lagu wadaa in ay ku biiraan hawlgalka ay Xoogaga Macawiisleyda ka wadaan Aboorey iyo Yasooman.

Macawiisleyda oo ah maleeshiyaad qabaa’il oo la abaabulay ayaa tan iyo wejigii koowaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka si toos ah uga barbar dagaalamayay Ciidanka Xoogga Dalka.

Macawiisleyda ayaa saddex sano ka hor soo jiidatay indhaha Madaxda Dowladda Federaalka iyo Taliska Militariga, ka dib markii ay muujiyeen in ay ku wanaagsan yihiin la dagaalanka Al Shabaab.

Xoogagan ayaa hormuud u ahaa wejigii koowaad ee hawlgalka oo lagu wiiqay awooddii Shabaabka ee deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug, loogana saaray inta badan dhulkii ay ka haysteen Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, walow Shabaabku ay dib ugu soo laabteen deegaanadii qaar ee laga kiciyay. Hawlgalkaas ayaana laga bartay dersiga ah in marka ciidamada iyo shacabka la abaabulay ay wadajiraan uu ka khasaare yar yahay dagaalkii ciidamada ay keligood muddada dheer kula jireen Al Shabaab.

Xoogaga Macawiisleyda ayaad mooddaa in ay hadda si ku-meel-gaar ah u hoggaaminayaan dagaalkan ka socdo Aboorey iyo Yasooman.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc